Xildhibaan Maxamed Ibraahim Maclimuu ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka ayaa dhaliilay habka loo meelmariyay afar cutub oo ka mid ah Dastuurka KMG ah.

War uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in wixii maanta ka dhacay Golaha shacabka ay ahaayeen kuwa kala dhantaalaya ummadda Soomaaliyeed

Waxa uu xildhibaanku ku  yiri qoraalkiisa :

Waa nasiib darro weyn waxa maanta ka dhacay xarunta Baarlamaanka. Waa isku day lagu afgambinayo wixii ay Soomaali heshiiska ku aheyd iyo Datuurkii umaddu wada laheyd.

Waxaa been laga sheegay tirada Xildhibaanada, iyada la ogyahay tirada guud ahaan kuraasta taalla Xarunta oo ah 210 kursi.

Daawo muuqaalka tooska ah ee halkan ku lifaaqan maba jirto cid wax tirineysa oo Guddoomiyaha uunbaa iska qiyaasaya . In afarta cutub la raseeyo oo la tirayo Xildhibaanada tiradooda la sheegay oo guud ahaan loo codeeyo Dastuurka ayaa qaadatay wax ka yar hal daqiiqo.

Waxa xitaa la Baalmaray habraacii Guddigu dajiyay ee la ansixyay ayadoo aqrinta qur’aanka aan la dhameyn .

Kala qeybsanaanta lawoodaha aamaha Dowladda waa muhiim balse isku milankooda waxa uu dhadhan tiraa micnaha dowladnimada .

Aniga waxa aan aamisanahay wax jujuub iyo bilaa sharci lagu mariyay Soomaali in ay aqbali doonin.Soomaaliduna waa aragtaa sida wax lagu mariyay.

Durbaankii la xado, meel lagu garaaco ayuu rabaa.

Dadka Soomaaliyeedna waa inaan lagu qaldin caadifadaha huuhaada beenta ah ee la hubo in ay socon doonin.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply