Maamulka Mareykanka ayaa ogolaaday inuu u diro Israa’iil shixnado hub ah oo ku kacaya 2.5 bilyan oo dollar, inkastoo Washington ay shaacisay cabsida ay ka qabto weerar la filayo inay Israa’iil ku qaado Rafah.
Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya laba ilood oo rasmi ah oo ka tirsan Wasaaradaha Difaaca iyo Dawladda ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Joe Biden uu oggolaaday in Israa’iil laga iibiyo 25 diyaaradood oo F-35 ah iyo kumannaan bambaanooyin aan tooska ahayn.
Wararku waxa ay sheegayaanin ilaahaasi ay soo xigatay Washington Post ay xaqiijinayaan in xirmooyinka cusub ee hubka ay kamid yihiin in ka badan 1,800 MK84 bambooyin ah oo midkiiba culeyskiisu yahay 2,000 rodol iyo 500 MK82 oo midkiiba uu yahay 500 rodol.
BBC
Xafiiska Wararka Muqdisho