December 4, 2024

 

Waxaa manta magaalada Muqdisho ka dhacay arin si wayn ay dadka Soomaaliyeed u sugayeen oo ah dhameestirka Dastuurka, waxayna  tahay maalin ku wayn umada Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  oo  maanta 55 sano kadib qaaday tallaabo wayn oo taariikhi ah oo ku aadan dhameystirka dastuurka dalka.

Labada gole ee baarlamaanka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Sheekh Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu  baarlamaan Soomaaliyeed qaado wuxuu ka dambeeyay 1969-kii.

Xildhibaanada baarlamaanka ee ansixiyay wax ka beddelka dastuurka ayaa si weyn uga hadlay arrintan oo muddo dheer dood xoogan ay ka taagnaayd.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply