December 6, 2024

 

Waxaa muqdisho lagu qabtay Xafladii ugu horeysay oo lagu soo dhawaynayay 24 saac kadib dib u doorashada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale ayaa galabta Muqdisho ku qabtay kulan weyn oo ay ku soo dhaweeyeen dib u doorashada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta isugu yimid kulankaas waxay ka soo jeedaan koonfurta Soomaaliya, waxayna taageero weyn u muujiyeen Saciid Deni oo noqday ninkii ugu horeeyey ee mar labaad loo doortay madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Xubnaha meesha ka hadlay waxaa ka mid ahaa  guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi oo kulankaas ka hadlay ayaa amaan kala dul dhacay Deni.

“Madaxweyne Saciid Deni shacabka Puntland waxay kaa rabaan cadaalad, waxqabad iyo shaqo abuur, Soomaaliya oo dhana waxay kaa rabtaa Midnimo, waan kuu hambalyeyneynaa Madaxweyne waana mudneed in lagu doorto mar kale.” Ayuu yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply