April 30, 2024

Xoghayaha Arimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron ayaa la filayaa in uu ugu baaqo dawladda Israa’iil in ay ka fogaato wax kasta oo uga sii dari kara xiisadda kala dhaxaysa Iiraan.

Xoghaye Cameron ayaa lagu wadaa in uu wadahadal la yeesho Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Isra’iil waxa ay wacad ku martay in ay ka aargudan doonto Iiraan oo weerar gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsaday ku qaaday Axaddii hore.

Xoghaya Arimaha Dibadda Ingiriiska ayaa ku adkeyn doona Israa’iil in ay hoos u dhigto jawaabta ay bixinayso oo horseedi karta dagaal buuxa.

Isagoo weriyayaasha la hadlayay markii uu ka dagay garoonka diyaaraddaha ee Qudus maanta oo Arbaco ah, David Cameron waxa uu sheegay in uu u yimid in uu u muujiyo garab istaag Isra’iil.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply