Maamulka Biden looma sheegin maalmo in Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin la dhigay isbitaal, ugu yaraan hal sarkaal ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka.

Lloyd Austin, oo 70 jir ah, ayaa la dhigey Xarunta Caafimaadka ee Walter Reed Isniintii sababo la xiriira qalliin lagu sameeyay kadib.

Sarkaal ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ee CBS, in Aqalka Cad aan lagu wargelin arrintan illaa ugu yaraan subaxnimadii Khamiista.

Mr Austin wuxuu aqbalay mas’uuliyadda isgaarsiin la’aanta.

“Waan garwaaqsanahay in aan qaban karay shaqo ka wanaagsan sidii aan u hubin lahaa in dadweynaha si habboon loogu wargaliyo,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.

“Waxaan ballan qaadayaa inaan sidan wax ka sii wanaajin doono,” ayuu yiri.

Office Nairobi Kenya

 

 

 

Leave a Reply