Sheekh Aadan Sunni  “Reer Sheekh Isxaaqow ceebta idin dul hogatay, ee Muuse idiin soo xambaaray, waad ka qubeysa doontaanKooxda Al-Shabaab ayaa maanta dad badan oo shacab iyo rag ay ku tilmaameen nabadoonada qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed waxay isugu keeneen magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas waxaa ka dhacay Banaanbax weyn loo dadka reer Jilib ay kaga soo horjeedaan damaca guracan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Wadaadkii ka soo baxday Hargeysa ee Sheekh Aadan Sunni ahaa ayaa ka mid ahaa xubnaha maanta fagaaraha Jilib kaga hadlay damaca Itoobiya, isagoo farriin u diray beesha uu ka dhashay ee Isaaq.

“Reer Sheekh Isxaaqow ceebta idin dul hogatay, ee Muuse idiin soo xambaaray, waad ka qubeysa doontaan ama taariikhda oo dhan ayaad ka dhici doontaan, waxaad heysataan Soomaali garab idiin ah oo maanta agoon uma tihidiin Xabashi,” ayuu yiri Aadan Sunni.

Al-Shabaab, waxay ku hanjabeen in 20-ka KM ee Muuse Biixi uu badda ka siiyey Itoobiya ay halkii KM u heli doonaan 1,000 dagaalame oo dhimata, taas oo ka dhigan in 20 kun oo maleeshiyaad ah oo u dhimata ay u helayaan 20-kaas KM.

“Saylac waxaa ka shisheysa in ka badan 100 KM oo dhul Soomalaiyeed ah, hadii 20 KM la bixiyey dhulka ka shisheeyana yaa qaada doona? Isagana Itoobiya ayaa qaadaneysa, dhulkaas yar ee la siiyey Xabashida wuxuu noqa doonaa halka ay Itoobiya ciidanka iyo Maraakiibteeda ka soo geli doonto dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri wadaad kale oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Jaamac Cabdisalaan.

Al-Shabaab waxay ku hanjabayaan in maanta ay iska dhici karaan, dalkana ka difaaci karaan ciidamada Itoobiya, iyagoo tusaale u soo qaadanaya dagaaladii Muqdisho k dhacay sanadihii 2006-2007.

Haweenka ka soo qeybgalay banaanbixii maanta Jilib ka dhacay ayaa u goodiyey Itoobiyaanka, iyagoo yiri “Xabashidu ma ilowday in awooweyaasheen bareen oo ku qasbeen inay cunaan hilibka ciiriinka?”

“Muuse dowlad kasta oo ku aqoonsata ma dalkeenaad qeyb ka siinee? Umadda Soomaaliyeed waxay maanta leedahay sumcad, laakiin hadii arrintaas ay ka hortegi weyso waa dulowday, Wayaanadu siduu rabo hadey Saylac qaataan oo nabad ku seexdaan waa soo sikanayaan,” ayuu yiri Cabdiwaaxid Isxaaq oo ka mid ah odayaashii ka hadlay banaanbaxa Jilib ka dhacay.

Xigasho

Office Nairobi Kenya

 

 

 

Leave a Reply