Wararka ka imaanaya Xafiiska Raisal Wasaaraha Somaliya ayaa sheegaya in saacaha soo socda lagu wado in la magacaabo Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Abuukar Zubeyr ayaa shalay xilkii iska casilay, isagoo qoraal dheer oo shaqo ka tegis ah u diray Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoraalka ayuu ku sheegay Maxamed Abuukar inuu si iskiis ah u go’aansaday inuu xilka iska casilo, isagoo uga mahadceliyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre shaqadan uu horay ugu igmaday.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Xilkaas loo wado in loo magacaabo  in uu noqdo Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Kamaal Xasan Guutaale, oo hadda ka mid ah la-taliyayaasha tirada badan ee Ra’iisal Wasaaraha.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply