December 4, 2024

 

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Madaalle ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in waqti saq dhexe ah ay banaanka joogaan gabadhaha Soomaaliyeed.

Hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in caasimada ay ku soo badanayaan waxyaabo anshax xuma ah oo laga soo min guuriyay dalalka Yurub sida uu hadalka u dhigay .

Waxa uu soo hadal qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu la dagaalami doono waxkasta oo ay u arkaan in ay wax u dhimayaan anshaxa suuban isla markaana gobolka Banaadir aan laga aqbali doonin.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply