Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xukun dil ah ku fulisay nin dhallinyaro ah oo dil magaaladaasi ugu geestay hooyadii dhashay 9 bil ka hor.
Ninkan maanta lagu toogtay fagaare kuyaalla magaalada Kismaayo oo lagu magacaabayay Xassan Cabdullaahi Cabdi ayaa hooyadiis si bareer ah toorey ugu dilay, waxa uuna ninkan maxkamadda kahor qirtay in dilkaasi si kas ah u geestay.
Sidoo kale Maxkamadda ayaana horey ninkan ugu riday xukunka dilka ah oo ah qisaasta hooyadiis uu horey u dilay, waxaana ugu dambeyn maxkamadda ninkan dilka laga argagaxay horey u geestay ku fulisay xukunkii dilka ahaa.
Ninkan dilay hooyadiis ayaa kamid ahaa dhallinyarada qurbaha kusoo koray dalkana dib loogu soo celiyay dhaqan-celin ahaan, balse wannaagga hooyadiis la rabtay uu dhibsaday ayaa keentay in uu nolosha dhaafiyo.
Xafiiska Wararka Muqdisho