Waxaa jiray falcelin diidmo ah oo ka timid dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen oo ku aaddan mowjadihii ugu dambeeyay ee duqeymaha cirka ee Mareykanka iyo Ingiriiska.

Mid ka mid ah saraakiisha Xuuthiyiinta oo lagu magacaabo Moxamed Al-Bukhaiti, ayaa sheegay in weerarradu ay kordhinayaan oo kaliya go’aanka shacabka Yemen ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan reer Qasa.

Pentagon-ka Maraykanka ayaa sheegay in siddeed goobood la duqeeyay taasoo jawaab u ah beegsiga joogtada ah ee Xuutiyiintu ay ku hayaan maraakiibta ganacsi ee badda cas.

Bartilmaameedyada la beegsaday waxaa ka mid ah qalabka gantaalada laga rido, goobaha raadaarka iyo bakhaarada hubka ee dhulka hoostiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak, ayaa sheegay in caddeyma hordhac ah oo laga helay duqeymihii Mareykanka iyo Britain ee Yemen ay muujinayaan in la burburiyay dhammaan bartilmaameedyadii loogu talagalay.

 

Office Nairobi kenyya

Leave a Reply