Iran ayaa xukun dil ah ku fulisay nin lala xiriirinayo mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo hay’adda culimada, sida uu sheegay garsoorka dalkaas.

Mohammad Ghobadlou, oo 23 jir ah, ayaa lagu helay dambi ah dil iyo “Fasahaadinta dhulka” ka dib markii lagu eedeeyay in uu gaadhi jiirsiiyay nin booliis uuna dilay intii lagu jiray mudaaharaad ka dhacayey meel u dhow magaalada Tehran Sebtembar 2022.

Kooxaha xuquuqda ayaa sheegay in uu la kulmay maxkamad aan cadaalad ahayn oo ay hareeyeen eedeymo jir dil ah.

Rafcaanno lagu eegayey xaaladdiisa caafimaadka dhimirka ayaa sidoo kale la diiday.

Waa qofkii 9-aad ee lagu fuliyo xukun dil ah oo la xiriira ku lug lahaanshaha mudaaharaadyada. Ugu yaraan afar qof oo kale ayaa la rumeysan yahay in lagu xukumay dil halka 15 kale ay halis ugu jiraan in lagu xukumo dil deldalaad ah.

BBC

Office Nairobi kenyya

Leave a Reply