Madaxweynaha Ukraine ayaa soo saaray qaylo dhaan ballaaran, isagoo wacad ku maray in dalkiisu uu guulaysan doono, maadaama ay ku beegan tahay laba sano oo uu Ruushku si buuxda u galay.
“Mid naga mid ah ma ogolaan doono in Ukraine ay dhamaato,” Volodymyr Zelensky ayaa ku yiri khudbad uu ka jeediyay caasimadda Kyiv.
Waxaa ku soo biiray madax reer galbeed ah oo u muujinayey is garab istaag.
Sanadguurada ayaa ku soo beegantay iyadoo Ukraine ay kala kulantay dib u dhacyo kala duwan oo ay ku dooneyso inay Ruushka uga saarto dhulkeeda.
Xafiiska Wararka Muqdisho