Dhaqtar u dhashay dalka Ingiriiska Prof Sir Roy Calne, oo qaliinkii ugu horeeyay ee beerka lagu bedelayo Yurub ka sameeyaa ayaa ku dhintay da’da 93 sano.

Roy oo la siiyey abaalmarinta halyeynbimada ee dalka Ingiriiska (Pride of Britain ) ayaa hogaaminayay qaliinkii lagu sameeyay isbitaalka Addenbrooke ee Cambridge sanadkii 1968, sanad kadib markii ugu horaysay ee Maraykanku ku guulaysto beerka oo qof laga badalo mid kalena loo galiyo.

Waxa uu habeenimadii sabtida u dhintay wadne xanuun.

Wiilkiisa Russell ayaa sheegay in uu ahaa “aabbe aan caadi ahayn”.

“Waxa uu lahaa dabeecad cajiib ah, wax yar oo xamaasad leh iyo aabe cajiib ah oo leh lix caruur ah,” ayuu yiri Mr Calne.

“Dhammaan aad iyo aad ayaan ugu faraxsannahay isaga iyo waxa walba oo uu qabtayba, waxaana tagnay meelo cajiib ah abaal-marintiisa awgeed.”

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply