Baarayaasha ayaa sheegay in la helay qeyb ka mid ah daaqadda diyaaradda Alaska Airlines ee ka go’day xilli ay hawada ku jirtay Jimcihii.

Maamulka ayaa ka raadinayey daaqadda go’day magaalada Portland ee dalka Mareykanka oo markii hore ay ka kacday diyaaradda Boeing 737 Max 9.

Nin macallin ah oo la yiraahdo Bob ayaa helay qeybta maqaneed ee diyaaradda, sida uu sheegay saaka gudoomiyaha ururka hoggaaminaya baaritaanka.

Ilaa 171 diyaaradood oo Boeing 737 Max 9 ah ayaa weli hakad ku jira iyadoo ay socdaan baaritaannada ku saabsan hubinta diyaaradaha.

Office Nairobi kenya

Leave a Reply