Waxaa goor dhawayd soo dhamaaday wareegga koowaad tartanka doorashada xilka madaxweynaha maamulka Puntland oo haatan ka socoto magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo ay ku tartamayaan illaa 11 musharrax.

Wareeggan oo si weyn loogu loolamay ayaa waxaa kasoo gudbay saddex musharrax oo uu hoggaaminayo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo helay 35 cod.

Labada musharrax ee kale ayaa kala ah Dr. Guuleed Saalax  oo 9 cod iyo Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo isna helay 8 cod, sida uu shaaciyay guddoonka golaha wakiilada.

Sidoo kale Musharraxiinta kale wareegay ku haray waxaa kamid ah Xasan Shire Abgaal oo  helay 5 cod, Axmed Ciise Cawad oo helay 4 cod, Asad Diyaano oo helay 3 cod iyo Maxamed Faroole oo helay 2 cod, halka ay jiraan musharraxiin kale oo haray, kuwaas oo helin wax cod ah.

Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee imaan doono ayaa waxaa horyaalla shaqo adag oo ay ugu horreysao wax ka qabashada khilaafka haatan Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo inay qabtaan muddo xileedkooda doorasho qof iyo cod ah.

Kala soco Bogan wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi kenya

Leave a Reply