Booliska Nigeria ayaa sheegay in ay ku guuleysteen soo furashada shan gabdhood oo walaalo ah oo afduub ahaan loogu haystay caasimadda dalkaasi.

Gabdhahan ayaa lagu soo furtay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada booliska oo ka dhacay kayn ku taalla waqooyiga Nigeria habeenkii Sabtida.

Waxaa horaantii bishan laga soo kaxeeyay gurigooda oo ku yaala magaalada Abuja, iyadoo ay la socotay gabar kale oo la dhalatay oo markii dambe la dilay.

Afduubayaasha ayaa dalbaday lacag madax furasho ah si loo sii daayo, balse warku ma sheegin in la bixiyay.

Booliska Nigeria ayaa sheegay in gabdhahan ay dib ula midoobeen qoyskooda ka dib howlgalkaasi oo ka dhacay meel u dhow keynta Kajuru ee gobolka Kaduna abaare 23:30 xilliga maxaliga ah (22:30 GMT) Sabtidii.

Lixda gabdhood oo walaalo ah, oo da’doodu tahay 23 jir, waxaa lala qafaashay aabbahood, Mansoor Al-Kadriyar, 2dii Janaayo mar ay ku sugnaayeen guriga qoyska ee Bwari, oo ku yaal duleedka Abuja.

Goob joogayaal ayaa sheegay in adeerka gabdhahan uu ku soo orday si uu gurmad u raadiyo balse si gaadmo ah loo dilay, sidoo kale waxaa ku dhintay saddex askari oo boolis ah.

Kooxda afduubka geysatay ayaa Mansoor ku sii daayey shuruud ah inuu bixiyo lacag madax furasho ah oo badan, hase yeeshee gabadhiisa oo 21 jir ahayd, Nabeeha, isla markaana dhiganaysay jaamacadda , ayaa digniin ahaan loo dilay, sida uu BBC-da u sheegay xubin qoyska ka tirsan oo diiday in magaciisa la sheego.

BBC

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply