Duufaan cusub ayaa lagu wadaa in ay ku dhufato UK hadhow iyadoo wadata dabayl ku soconaysa xawaare 80mph (128km/h) taas oo halis ku ah nolosha.

Duufaanta Isha ayaa kicisay digniinaha cimilada ee noooca amber.Dufaanta ayaa waxay inteeda badan laga filayaa England, Wales, Northern Ireland iyo Scotland laga bilaabo 18:00 GMT.

Isha waa duufaantii sagaalaad ee ku dhufatay UK tan iyo Sebtembar.

Xafiiska Met ayaa sheegay in ay “nadir tahay” in dalka oo dhan ay saameeyaan digniinaha duufaannada.

Dabaylaha duufaanta ugu xooggan ayaa la filayaa habeenimadii Axadda iyo subaxnimadii Isniinta, markaas oo saddex digniinood oo amber ah oo ka yimid Xafiiska Met ay dhaqan galaan.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply