Qarax ayaa ka dhacay goob laga dhoofiyo gaaska oo ku dhow magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Qaraxa ayaa sababay dab weyn, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee RIA Novosti ee ay dowladdu leedahay.

Waxa ay sheegtay in dabka la xakameeyey, mana jirto wax khasaare ah oo ka dhashay.

Lama oga waxa sababay dabkan, balse warbaahinta gudaha ayaa ku waramaysa in halkaasi lagu arkay diyaarado aan duuliye lahayn.

Ruushka iyo Ukraine labaduba waxay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka hadda socda.

Ukraine inta badan ma qirato weerarradan.

Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday Ukraine ku dhawaad ​​labo sano ka hor, balse wax horumar ah ma sameyn bilihii lasoo dhaafay.

Axadii, 13 qof ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen duqeymo ka dhacay magaalada Donetsk ee uu Ruushku maamulo ee bariga Ukraine sida uu sheegay Alexei Kulemzin, ee ah duqa magaalada Ruushku uu halkaa u magacaabay.

Kyiv ayaa sidoo kale kama hadlin weerarkaas. Isaga oo ku saabsan qaraxii Axaddii ka

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply