Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in kulamada labada Madaxweyne e Xasan shekh iyo, Cabdilfataax Al-Sisi uu meel fiican gaaray.

Cabdilfataax Al-Sisi  ayaa sheegay inaan la ogolaan karin in amniga Soomaaliya la khatargeliyo, wuxuuna sheegay in Masar ay diyaar u tahay inay garab istaagto Soomaaliya.

“Masar waxay ku taagan tahay go’aankeeda adag oo ay ku ilaalinayso amniga Soomaaliya. Lama ogolaan doono cid dibadda ka ah oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed ama ammaankooda wax u dhimaysa” ayuu yiri Cabdilfataax Al-Sisi .

Sidoo kale waxa uu sheegauy in si si hagar la’aan ah u garab taagannahay walaalaheen, haddii ay noo yeeraana kama baaqan doono inaan qaadno tallaabo,” Madaxweynaha Masar, Cabdilfataax Al-Sisi oo shir jaraa’id la qabtay Xasan Sheekh Maxamuud.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply