February 11, 2025

 

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhaba  ayaa sheegaya in goor dhawayd ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, Howlgal qorshaysan.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 8-aad ee qaybta 60-aad ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo isku fidiyay agagaarka Goofgaduud-buurey.

Sidoo kale Taliyaha ururka 47-aad guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhagey) oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay gaareen tuulooyin ay ka mid yihiin Misgaale, Warta Kormar, Duurow, Mintaanka, Qurunlow Asharaaf, Gololow, Goof Golol & Hareera Jiif, kuwaas oo u dhow Goofgduud-buurey ee gobaoka Baay.

 

Dhinaca  kale Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemaya aagga magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee Koonfur Galbeed.

Office Nairobi Kenya

 

 

Leave a Reply