November 12, 2024

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ahna mudane ka tirsan Barlamaanka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay rasaasta lagu furay dadka shacabka ah ee banaanbaxa ka dhigayay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Madaxwaynaha Soomaaliya laga doonayo inuu dib u xasuusto xanuunka ay leedahay in rasaas lagu furo dad  doonaya in ay dhigaan dibadbax ay ku doonayaan in ay ku muujiyaan dareenkooda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in dastuurka uu damaanad qaadayo in dadka ay dhigaan banaanbax ay ku cabiraan dareenkooda iyaga oo aan u baahnayn wax fasax ah in la hor istaagana ay ka dhalanayso in sharciga la jabiyay.

‘’Allaah u naxariisto wiilka dhallinyarada ah ee ku dhintay rasaasta, kuwa dhawaca ahna Allaha u booga dhayo.

Sidoo kale Shacabka Muqdisho marar badan ayey dalbadeen in magaalada maqaam loo sameeyo si ay u soo doortaan hoggaan ay la xisaabtami karaan, taasoo aan marar badan ku celcelinay, welina u taagannahay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply