October 12, 2024

 

Ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 23-shaqaale ah oo la socday markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Iran kaas oo ay gacanta ku dhigeen kooxo burcad badeed ah oo ku sugan xeebaha Soomaaliya.

 

Markabkan oo lagu magacaabo Al-Kambar ayaa laga afduubay xeebaha dalka Yemen, 28-kii bishan, markaasoo la sheegay in ay fuuleen dushiisa sagaal burcad-badeed ah oo doon watay, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen ciidammada badda Hindiya.

Sidoo kale Markabka ayaa waxaa lagu soo furtay howlgal qaatay in ka badan 12 saacadood oo ku qasbay burcadbadeedda inay isa soo dhiibaan.

Sagaalkan burcad-badeedda ah ayaa la geeyay dalka Hindiya oo lagu maxkamadeyn doono. Waxay ku biiraan 35 kale oo burcad badeed ah oo dhawaan magaalada Mumbai laga dejiyay, kuwaasoo laga furtay Markabka MV Ruen isla bishan.

Shaqaalihii markabka kalluumeysiga oo ka koobnaa 23 qof oo Pakistani ah ayaa badqaba, waxaana la helay baaritaanno caafimaad ka hor inta aan la fasaxin si ay u sii wataan howlaha kalluumeysiga, ayaa lagu yiri bayaanka.

Xafiiska Wararka Muqdishi

 

Leave a Reply