Xildhihaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa ka hadlay ninkii dhawaan gubey xaaskiisa kaasoo wali baxsad ka ah laamaha amaanka ee Muqdisho.
Siyaasiga caanka ah Xildhihaan C/raxmaan C/shukuur ayaa talooyin siiyay Booliiska si loo soo qabto gacan ku dhiigle Sayid Cali Macalin Daa’uud
“Booliska iyo laamaha kale ee amniga wuxuu waajib ka saaran yahay in ay soo qabtaan eedaysanaha”ayuu yiri Xildhihaan C/raxmaan C/shukuur
Xildhihaanka wuxuu kula taliyay Booliiska inay bulshada la socodsiiyaan tillaabooyinka ay qaadeen, iyo halka ay hawli u joogto.
Sidoo kale mar uu xildhibaanku ka hadlaayay falkaan dilka ah ayuu sheegay in Dilkaasi bahalnimada ah uu argagax ku riday bulshada oo idil.
.
Office Nairobi Kenya