Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada  Itoobiya ay baneeyeen  xero  ciidan oo ku  taala deegaanada gobolada Jubooyinka ee maamulka Jubbaland.

Ciidankan  ayaa qayb ka ahaa howlgalka ATMIS ee midowga Afrika oo markii hore la oran jiray AMISOM.

Wasiirka Amniga  Jubbaland Gen. Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta 43-aad Gen Cali Maxamed Maxamuud Bagmadow ayaa Ciidanka ATMIS kala wareegay Xerada ma dhamaato ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Xeradaan ma dhamaato oo sanooyin badan ay ku sugnaayeen ciidanka ATMIS ee ka socda Itoobiya ayaa waxaa wareejiyay Taliyaha Qeybta Lixaad ee ATMIS Gen. Lucas Kutto.

Sodoo kale Howlgalka   ATMIS ayaa sheegay in ay baneeyn doono meelo badan oo dalka ah halkaas oo ay ka wadeen howlgalo ay ku doonayaan  in  lagaga adkaato kooxda Al- Shabaab.

Office Nairobi Kenya

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply