Saacado kadib Weerarkii shalay ee degmada Galhareeri waxaa  Hay’adda sirdoonka Qaranka NISA  ay soo bandhigtay magacyada Maleeshiyaadka Alshabaab ee Khawaariijta ee shalay lagu laayay Hay’adda sirdoonka Qaranka NISA .

Warqad ka soo baxday hay’adda sirdoonka ee NISA, ayaa lagu sheegay magacyada horjoogayaasha shabaab ee lagu dilay weerrarkaasi oo ay kamid yihiin: Rag waawayn oo dhibaato ku hayay Umada Soomaaliyeed iyo Umada Mudug iyo Galgaduud la dhaafiyay Dunida.

  1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi oo ay sheegeen inay tahay xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan.

2.Macalin Maxamed oo ahaa ku xiigeenka xarunta Qurdubi.

3.Cabdikariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii kooxda ee Galguduud.

  1. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.
  2. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Mudug.
  3. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha dagaalamayaasha ee Galguduud.
  4. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan sakawaadka ee Gobolka Sh. Dhexe.
  5. Ciise Ruush oo ahaa horjoogihii farsamada hubka.
  6. Usaama oo ahaa horjoogihii Isgaarsiinta.
  7. Xasan Nuur oo ka tirsanaa qeybta Gaadiidkaa Al- Shabaab.

Office Nairobi Kenya

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply