December 4, 2024

 

Cilmi-baarisyada ku saabsan hab-nololeedka iyo cimri-dhererka waxaa inta badan lagu ogaadaa in dadka jimicsiga badan sii noolaadaan muddo dheer.

Sidaa darteed waa wax lala yaabo in la arko natiijada warbixin ka soo baxday Daraasad Laga sameeyey Finland, taas oo iftiimisay in ay jirto wax yar oo saameyn toos ah oo “dhaqdhaqaaqa jireed ee qofku sameeyo wakhtiga firaaqada” marka laga hadlayo inta uu qofku noolaanayo. Maxaa ka dhigaya daraasaddan ka duwan kuwa kale, rune ma tahay?

Hab-dhaqanka bini’aadamka iyo bayooloojigu way cakiran yihiin, waxayna la falgalaan bulshada iyo deegaanka guud ahaan.

Xaddiga jimicsiga ee qofku sameeyo waxa laga yaabaa inay la xidhiidho hidde-sidayaasha, cuntadooda, inay naafo yihiin iyo in kale, waxbarashadooda, maalkooda, ama si fudud haddii ay haystaan wakhti firaaqo ah oo ku filan iyo meel cagaaran oo nabdoon.

Waxaa laga yaabaa inaad ka fikirto tiro arrimo kale ah oo lala xiriirin karo caafimaadka qofka iyo inta uu le’eg yahay jimicsiga uu sameeyo. Inkasta oo ay hubaal tahay in dadka jimicsiga badan sameeya ay cimri dheeraan doonaan celcelis ahaan, haddana aad bay u adag tahay in la ogaado inta uu le’eg yahay jimicsiga laftiisu iyo saameeya cimriga dheer, marka loo eego arrimahan kale.

Sideen u rajayn karnaa in aan ka soocno saamayntan gaarka ah cakirnaanta nolosha dadka?

Daraasado mataano lagu sameeyey ayaa arrintan naga caawin kara. Mataanaha waxay leeyihiin hidde-side isku mid ah iyo waayo-aragnimo nololeed, markaa waxaan si toos ah u tijaabin karnaa sida kala duwanaanshiyaha dhaqankooda.

Tani waa habka saxda ah ee ay qaadeen cilmi-baarayaasha Jaamacadda Jyväskylä ee Finland. Waxay adeegsadeen su’aalo-waraysiyo la siiyay 11,000 mataano qaangaar ah oo isku jinsi ah sannadihii 1975, 1981 iyo 1990, waxayna natiijooyinkan ku xidheen dhimashada la diiwaan galiyey illaa 2020.

Cilmi-baadhayaashu waxay ogaadeen in, sidii la filayay, kuwa ugu firfircoon ay 24% heerka dhimashada hooseeyso. Saamayntani way ka yar tahay daraasadihii hore ee la soo jeediyay, inta badan khatarta xad-dhaafka ah ayaa lagu arkay 10% ugu yar ee ka qaybgalayaasha daraasadda ee aan aadka u firfircoonayn.

Marka xisaabata lagu daro sigaar-cabista, isticmaalka khamriga iyo xiriirka ka dhaxeeya culayska qofka iyo da’diisa, xidhiidhka ka dhexeeya jimicsiga iyo cimri dhererka ayaa si weyn hoos ugu dhacay, iyada oo kaliya 9% farqiga u dhexeeya.

Sida cad, dadka jimicsiga badan sameeya waxay noolaadaan waqti dheer celcelis ahaan. Hidde-sideyaasha, arrimaha bulshada, heerka caafimaad iyo qaybaha kale ee qaab nololeedka ayaa qayb ahaan sharaxaya arrintan. Ma aha inaynu meesha ka saarno xidhiidhka tooska ah ee ka dhexeeya jimicsiga iyo cimri dhererka, laakiin daraasaddani waxay soo jeedinaysaa inay ciyaari karto door ka yar sidii hore loo mooday.

BBC

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply