Wararka ka imanaya Degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dab xoogan oo baabi’iyay hanti badan uu xalay ka kacay gudaha suuqa degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Suuqan oo ahaa kan ugu weyn ee degmada Awdheegle ayaa waxaa qabsaday dab ka dhashay Koronto, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Maxamed ibraahim Barre ayaa ka warbixiyay dabka ka kacay suuqa degmada Awdheegle iyo baaxadda khasaaraha uu gaystay, intaba.
Barre ayaa sheegay in dabka uu khasaaro gaarsiiyay gebi ahaan suuqa degmada, wuxuuna tilmaamay inay ku gubatay hanti fara badan.
Xafiiska Wararka Muqdisho