March 25, 2025

Wararka ka imaanaya saakay  Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo halkaasi ka shaqeysanayay.

Allaha u naxaristee wiilka oo lagu magacaaji jirey Ayuub Xagafeey ayaa lagu dilay Deegaanka Usta oo  wax yar ka baxsan Magaalada Cape-town.

Sidoo kale Wararku waxay intaasi ku darayaan in Ayuub lagu dhex dilay tukaan uu ganqcsi ku heystay markii ay usoo galeen burcad koonfur Afrikaan ah.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in lucation-ka Usta ee lagu dilay ay ku nool yihiin dadka madow ee Koonfur Afrika islamarkaana aysan Somalidu ku badneyn.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply