October 10, 2024

 

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saakay kooxda Al-shabaab iyo Ciidamada Dowlada ku dhex maray deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in  ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo is kaashanaya ay dagaal la galeen kooxdii soo weerartay waxana ay ciidanka millitarigu sheegeen in halkaa Al-shabaab looga dilay dagaalyahanno gaaraya ilaa 21 iyo in sidoo kale laga gubay 4 gaari oo ay kusoo dagaal galeen.

Sidoo kale Ciidanka millitariga ayaa intaa ku daray in xog lasoo gaarsiiyay ay suura gelisay in laga hortago kooxda weerarka soo qaaday.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply