Inta badan dhakhaatiirta da’da yar ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ilaa hadda ka dhaga adaygay amar kasoo baxay dowladda oo ahaa in ay ku laabtaan shaqada dhamaadka Khamiista, inkastoo ay jirto hanjabaad dhanka sharciga ah.

Qiyaastii boqolkiiba sideetan dhakhaatiirta da’da yar ayaa joojiyay shaqada usbuucii hore iyagoo ka soo horjeeda go’aanka ah in si weyn loo kordhiyo tirada goobaha dugsiyada caafimaadka.

Waxay sheegeen in tabobarka dhakhaatiir badan ay hoos u dhigi karto tayada waxbarashada dugsiga caafimaadka ayn keeni karto in la dhimo mushahaaraadka.

Maamulka ayaa sheegay in kordhinta goobah caafimaadka uu wax ka qaban doono arrinta la xiriirta dadka South Korea ee aadka u da’da ah, iyo dhakhaatiir la’aanta ka jirta dhulka miyiga ah.

Dawladdu waxay ku hanjabtay inay shatiga caafimaadka ka qaadayso dadka aan ku soo laaban shaqada marka la gaadho maalinta Khamiista ah.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Seoul, Joo Soo-Ho, oo ka socda Ururka Caafimaadka Kuuriya, oo taageeray shaqa joojinta dhakhaatiirta, ayaa ka digay cawaaqibka, haddii aan qandaraasyada la cusbooneysiinin.

BBC

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply