October 10, 2024

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee Paul Pogba ayaa sheegay in uu aad uga murugooday, naxay, isla markaana uu qalbi jabay ka dib markii muddo afar sano ah laga ganaaxay ciyaaraha kubadda cagta sababo la xiriira fal-dambiyeedka daroogadu.

Sidoo kale Laacibka heerka caalami ee dalka Faransiiska, oo 30 jir ah, ayaa si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay bishii Sebtembar ka dib markii baaritaan dawo lagu sameeyay laga helay heerar sare oo testosterone ah .

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply