Dowlada Somalia ayaa saacado kadib ka hadashay  Dagaalkii cuslaa ee Saaka ku dhexmaray Deegaanka Caad Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka cashar lama iloobaan ah Khawaarijta ugu dhigay magaalada Caad oo ay isku dayeen inay ku soo qaadaan weerar.

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha oo u diyaarsanaa dhagarta Cadowga ayaa dhabarka ka jabiyay qorshihii Khawaarijta.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Dawladda oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in haatan Cadowga Khawaarijta lagu sii baacsanayo bannaanka magaalada laguna daba joogo firxadkooda.

.

Office Nairobi kenyya

Leave a Reply