Ireland ayaa toddobaadkan ku dhawaaqday inay xareyn doonto dacwad ku saabsan kiis gumaad ah oo ka dhan ah Israel kaas oo ay u gudbin doonto Maxkamadda Caddaaladda ee caalaminga ah, taas oo sii kordhineysa cadaadiska sii kordhaya ee caalamiga ah ee xukuumadda Benjamin Netanyahu si weerarkeeda ba’an ee Gaza oo ay usoo afjarto iyo xannibaadaha ba’an ee gargaarka cuntada ee Falastiiniyiinta ku riixaya macluusha.

Taageerada Ireland ee Falastiin, waxay inta badan ka dhalatay waayo-aragnimada ay wadaagaan labada dal oo ah dalal gumeysi ku jiray muddo dheer . Jaziiradda Irelnad waxay ku hoos jirtay Ingiriiska kadib markii Ingiriiska uu xukumayay in ka badan 800 oo sano, ka dib markii Anglo-Norman soo duulay ay qabsadeen dhul baaxad oo ay Irishka ah qarnigii 12aad.

“Ireland waxay ahayd gumeysigii ugu da’da weynaa ee Britain,” ayay tiri Jane Ohlmeyer, oo ah Barfasoor taariikhda ka dhigtaa Trinity Collegee Dublin, iyada oo tilmaantay in Ireland ay ka duwan tahay dowladaha kale ee Yurubta Galbeed, kuwaas oo intooda badan ay laftoodu ahaayeen awoodo boqortooyo.

“Laakiin sida Falastiin o akle , (Ireland) waxay leedahay waayo-aragnimo toos ah oo joogto ah oo ku saabsan Gumeysiga,” ayay tiri. Taasi waa “waayo-aragnimada gumeysiga ee la wadaago” ee u dhexeeysa Irishka iyo Falastiin “.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply