Getachew Reda, Madaxweynaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee Tigrayga (TIRA), ayaa u sheegay xubnaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senate-ka Mareykanka oo ku sugan gobolka Tigray in Heshiiskii colaad joojinta ee Pretoria loo baahan yahay in dadaal weyn ay geliyaan dhammaan saamileyda siyaasadda si loogu hirgeliyo si buuxda.

Warbaahinta gobolka ayaa ku warantay in Getachew uu u sheegay xubnaha senate-ka ee booqashada ku yimid in dadka Tigray-ga aysan awoodin in ay nabad buuxda ku naaloodaan sababo la xiriira dhaqan gelinta buuxda ee heshiiskii Pretoria.

In beesha caalamka oo ay ku jirto dawladda Maraykanku ay gacan ka gaystaan ​​sidii loo joojin lahaa dhibaatada ay la kulman dadka Tigrayga, iyadoo la xaqiijinayo dib u soo celinta madax-bannaanidii dastuuriga ahayd ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyo in gacan laga geysto dib u soo celinta dadkii ka barakacay guryahooda, ayuu yidhi Getachew.

Booqashada xubnaha senate-ka Mareykanka ay ku tageen gobolka Tigreega ayaa ka dambeysay xiisaddii u dhaxeysay dowlad deegaanka Tigreega iyo Axmaarada iyadoo ay wali taagan tahay xal u helida maqaamka Galbeedka iyo qeybo ka mid ah koonfurta gobolka Tigray, deegaanadaas oo ay weli ku sugan yihiin ciidamo gacan saar la leh. Federaalka iyo Dowlad Deegaanka Amxaarada.

Dawladda Maraykanku ayaa ah mid ka mid ah daneeyayaasha muhiimka ah ee fududeeyay heshiiskii Pretoria ee November 2022.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply