Ugu yaraan 27 qof ayaa lagu dilay weerar duqeyn ah oo ka dhacay magaalada Donetsk ee Ruushka uu haysto, sida uu sheegay hoggaamiyaha gobolkaas.Denis Pushilin ayaa ku tilmaamay wax aad looga naxo duqeynta lagu qaaday suuq mashquul badan, wuxuuna sheegay in tirada khasaaruhu ay sii kordhi karto.

Koox ka tirsan ciidamada Ukraine ee ka howlgala gobolkaasi ayaa sheegay in aysan iyagu geysan weerarka. Mr Pushilin ayaa eedeyn u jeediyay Ukraine.

BBC-du ma xaqiijin karto sida ay wax u dhaceen maadama warar kala duwan ay soo baxayaan.

Sawirro ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa u muuqday kuwo muujinaya dukaanno burburay, iyo sidoo kale meydad daadsan waddada.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply