Salaadiinta,Odayaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwaan ee  gobolka Awdal ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay heshiis ku sheega u la galay Muuse Bixii Itoobiya oo ay ku dooneysay Itoobiya in ay ku soo xadgudubto madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

 

Waxgaradka ayaa sheegay in ay maanta tahay maalinkii ay midoobi lahaayeen shacabka unna istaagi lahayeen si ay u difaacaan midnimadda iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa si cad uga hortimid heshiis beenaadka iyo damaca gurracan Abiy Axmed ee u ku doonayo xadgudubka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply