Aashatada loo yaqaan Sulfonic acid, oo dhibaato weyn u geysan karta caafimaadka bini’aadamka, ayaa ku soo caarisay webiga Rio Seco oo ku yaalla Joinville, koonfurta Brasil.

Walaxda – loo isticmaalo soo saarista saabuunta iyo alaabta guriga lagu nadiifiyo – ayaa fatahday kadib markii uu shil galay baabuur, taasoo keentay xaalad degdeg ah oo maxalli ah.

Goob cxaafimad ayaa la xidhay subaxnimadii Isniinta si looga hortago qaadashada biyaha wasakhaysan – oo laga yaabo in ay saamayso biyaha la cabbo ee tobanaan xaafado ah.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dadka oo kaydsanaya biyaha caagadaha.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply