Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan safaarada Dowladda Qatar kula kulmay   Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdalla Bin Saalim Al-Naciimi.

 

Wararka ayaa sheegaya in kulankaan labada mas’uul ay uga wada hadleen arimo badan oo ay ka midyihiin dargalinta heshiisyadii horey u dhacay oo ay ugu horeyso mataaneenta Muqdisho iyo Doxa.

 

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale Danjiraha Dowladda Qatar kala hadlay dib u cusbooneysiinta mashaariicda lagu hor-marinaayo dib-u-dhiska Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Qatar kaalinta hagar la’aanta ah oo ay marwalba la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply