Waxaa goor dhawayd la xiray waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho kadib markii laga shakiyay in uu Qarax sido gaari Nuuca raaxada ah oo halkaas yaala.

Wararka ayaa sheegaya in loo xiray wadadaas Cabsida ka dhalatay gaari nooca raaxada ah oo lasoo dhigay agagaarka xarunta Immigration-ka, kaas oo looga shakiyay inuu sido qarax.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa isku geedaamay goobta, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah oo lagu hayo gaariga.

Sidoo kale waxaa la xiray dhaq-dhaqaaqa waddada, ayada oo la xiray goobaha ganacsiga ee ka agdhow halkaasi, waxaana dadkii laga daad gureeyay  xarunta Immigration-ka oo laga qaato Pasapoorada.

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply