Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ay  jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo ku sugan dalka dibadiisa oo dhibaato ku haya bulshada ku nool gudaha dalka.

Waxa uu sheegay in dhibaatada baraha bulshada in saamayntooda laga dareemayo gudaha dalka oo  si aad ah u kicinayaan bulshada Soomaaliyeed loona baahan yahay in la sameeyo wacyi galin.

Waxa uu xusay Xamse Cabdi Bare in aysan jirin wax badan oo dadka sida qaldan u isticmaalaya  baraha bulshada  ka faa’idayaan dalalka ay joogaan aan ka ahayn dhibaata ay ku hayaan bulshada.

‘’Isaga oo tarxiila waxba kama faa’idaysaan taas ayaana wanaagsan  ‘’  ayuu ka sheegay shir nabadda  looga hadlayay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Intaas waxa uu ku daray warkiisa Ra’iisulwaare Xamse Cabdi Barre in dadkaas intooda badan ay yihiin dhibanayaal cararay hadana ay doonayaan sida uu hadalka u dhigay in bulshada ay kiciyaan.

Waxa uu soo hadal qaaday in ay ahayd inuu ka shaqeeyo nabad , laakiin dhamaan waqtigiisa uu galinayo shaqsiyaadkaas kala badnaanshaha qabiilada iyo kala awood badnaanta qabiilada.

Ma uusan ka hadal Xamse Cabdi Bar waxyaabaha ugu badan ee faa’idada u leeyahay Socail Media dhismaha dowlad dhiska iyo xalinta khilaafaadyada jira.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply