Saw ma aad maqli jirin, wargeys maalinle ah, toddobaad le ah ama bille ah, haatan dalka Faransiiska waxaa ka jira wargeyska keliya ee afartii sanaba mar soo baxa, dunida oo dhan.

Maanta oo kale dukammaada Faransiiska waxaa daadsan, dadkuna ay dhugaynayaan majaladda siyaasadda sida qosolka ah uga hadasha ee La Bougie du Sapeur.

Wargeyskan oo 20-bog ee warar kala duwan oo si maad loo falanqeeyey ku yaallaan ayaa soo keliya 29-ka Febraayo – sidaas darteed hal mar afartii sanaba ayaa maalintan lala kulmaa.

Daabacaaddii ugu horreysay waxay ahayd 1980-kii, tanina waa tirsigii 12-aad.

Waxaa aasaasay koox saaxiibo ah oo “qorshahoodu in ay sameeyeen wax ay isku madadaaliyaan”, La Bougie du Sapeur (The Sapper’s Candle) ayaa laga daabacaa tiro kor u dhaafaysa 200,000.

Waxaa lagu qiimeeyaa €4.90 (£4.20), taas oo laga helo wax ka badan kharashka lagu bixiyo.

“Kadib markii cadadkii ugu horeeyey lagu iibsaday laba maalmood gudagood gudahood, wariyayaashii soo saaray waxaa nalaga codsaday nuqullo kale oo badan- markaas ayaannu ku nidhi, haye waa naga diyaar, balse afatii sanaba mar!”, ayuu yidhi tifaftire Jean d’Indy

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply