Somaliland ayaa sheegtay inay Imaaraadka Carabta la gashay heshiis cusub oo ku saabsan maalgashiga tamarta iyo macdanta dalka, sida ay qortay warbaahinta.
Arrintan ayaa daba socota ka dib markii wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Cabdilaahi Faarax Cabdi uu todobaadkan safar rasmi ah ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kula kulmay Amiirka Ras al-Khaymah Sheekh Sacuud bin Sar al-Qaasimi.
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa xaqiijiyay in wada-hadallo muhiim ah oo ku saabsan maalgashiga dhinaca tamarta iyo macdanta iyo in si ballaaran loogu soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland ee dhinacyadan la sheegay inay maalgashadaan.
Wasiirka ayaa waxaa qasriga boqortooyada ku qaabilay Sheikh Saud bin Saqr al-Qasimi oo ah xubin ka tirsan golaha sare ee Imaaraadka Carabta iyo Xaakimka Ras Al Khaymah oo xubin ka ah imaaradaha todobada ah ee Imaaraatka Carabta.
Somaliland ayaa horey heshiisyo kale – oo uu ka mid yahay heshiiska dekedda Berbera ee shirkadda DP World – kula jirta maamulka Somaliland, inkastoo heshiiskaasi uu horey u diiday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Lama oga waxa ay dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho, taasoo aan saameyn ku lahayn meelo ka baxsan Muqdisho, ay ka yeeli doonto heshiisyada cusub ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka.
Saxiixan la sheegay in Somaliland ay hadda la gashay Imaaraadka Carabta ayaa imaanaya xilli Somaliland ay heshiis dhanka Badda Cas la gashay Ethiopia 1dii Jannaayo 2024 kaasoo buuq ka dhashay illaa hadda uu si daran u saameeyay xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya.
Puntland ayaa iyana toddobaadkii hore bilawday xiriir ay la sameysaneyso dowladda Ethiopia ka dib markii wax-ka-beddel muran badan dhaliyay lagu sameeyay Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Xiriirka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay mid adag, halka Dowladda Imaaraadka Carabta ay xiriiro kala gooni ah la leedahay maamulada dalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo u muuqda mid aan iska warqabin.
Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo maanta Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu isku dhaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ka yahay Axmed Macalin Fiqi oo sida muuqata wajahaya xasaradaha halakeeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho