Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ay halkaas wada gaareen Madaxda Federaalka iyo madaxda maamul Goboleedyada oo uga qeyb galaya Caleema saarka Madaxweyne Siciid Deni.

Madaxda ka qeyb galaysa ayaa waxaa ka mid ah, madaxda dowlad goboleedyada, sida Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo hoggaamiyaha SSC oo horay u gaaray Puntland.

Waxaa kale oo munaasabadda jooga madax hore, sida ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiweli Gaas iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Sidoo kale waxaa xafladaas ka maqan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo saaxiib dhaw la ahaa Deni, kadib doorashadii xilka looga qaaday Maxamed C/llaahi farmaajo oo ay si wadajir ah u rideen  Xasan shekh, Deni, Rooble iyo axmed Madoobe.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply