Wararka ka imaanaya garoowe ayaa sheegaya in goor dhawayd halkaas uu gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa uga qeyb galaya Magaalada Garoowe  xafladda caleema saarka madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madax hore, siyaasiin iyo marti kale oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda ayaa sidoo kale munaasabadda ka qaybgalaya.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xiriirkoodu xumaa muddooyinkii la soo dhaafay, iyadoo khilaafkaas uu sababay in Puntland ay ka maqnaato shirar iyo tillaabooyin ku saabsanaa masiirka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply