.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay soo gaaray magaalada Nairobi, ayaa xalay  kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle Dalka Kenya.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in labada Mas’uul ay ka wada hadleen iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horreyaan arrimaha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas William Ruto.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda,waxayna Wararku  sheegayaan in ay si gaar ah iskaga wareesteen Geele iyo Xasan xaalada iyo xadgudubka Itobiya ay ka wado Soomaaliya, waxaana la sheegay in Geele uu taageero dhinac kasta ah u muujiyay Somaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply