Waxaa soconaya  loolanka looga jiro tartanka kursiga Guddoominimo ee Midowga Afrika oo kaas oo dhawaan  loo tartami doono sida qorshuhu uu yahay.

Dalalka wadamada gobolka ayaa ugu jira xusul duub adag waxaana dowladuhu ay samaynayaan dadaal kasta oo ay la galayaan shaqsiyaadka ay la doonayaan  hanashada kursiga AU.

Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan oo u sharraxan Soomaaliya inay ku metasho tartanka loogu jiro jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegtay inay qabto kalsooni wayn oo ku aadan inay kusoo baxdo jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inay haysato taageerada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taasina ay kor usii qaadeyso rejadeeda ku aadan helitaanka kursigaasi.

Kenya dhankeeda waxaa ololahaas ugu jira Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ,Raila Odinga oo isagana wada Olole xoggaan iyo iskaashi uu la samaynayo hoggaamiyaasha gobolka.

Raila Odinga ayaa sheegay in haddii uu ku guulaysto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AU-da aynan taasi saameyn ku yeelan doonin garabka mucaaradka ee dalka.

Waxaa uu sheegay in haddii uu xafiiskaasi qabto uu ka howgeli doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo aan Kenya u jirin masaafo dheer oo dhanka duullimaadka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply