Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shir ku saabsanaa Amniga Soomaaliya.

Shirkaas waxaa kasoo qeyb galay dalalka sida dhow dhanka ammaanka uga taageera Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga.

Sidoo kale Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply