Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre, geerida  Abaandulihii Guutada 18-aad ee GorGor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Xamsa Cabdi Barre  ayaa ku tilmaamay Marxuumka Halyay u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isagoo xusay doorkii muhiimka ahaa uu ku lahaa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, runtii waa geeri murugo leh, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) oo ahaa Abaanduulihii Guutada 18-aad ee GorGor, kaas oo ahaa Halyay si daacadnimo iyo geesinimo leh ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Kawaarijta ah” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey, isaga oo dalkiisa ka difaacaya cadowga argagaixisada ah ee ku soo duulay.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply