Nin lagu soo qaaday diyaarad helicopter ah ka dib markii uu ka soo dhacay dooni uu saarnaa oo mareysay meel u dhow Liverpool ayaa dhintay, sida ay booliisku sheegeen.

Shaqaalaha Doonyaha Badbaadada ayaa sameeyay baadigoob saddex saacadood qaatay subaxnimadii Sabtida ka dib markii 44-jirkan, oo ka yimid woqooyiga Wales, uu ka soo dhacay Doonta Stena Estrid, kaasoo ka soo safrayay Belfast kuna socday Birkenhead.

Waxaa lagu soo qaaday diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin ilaalada xeebaha ee HM, waxaana lagu qaaday ambalaas oo loo qaaday isbitaalka.

Ninkan ayaa dhintay waxyar kadib, sida ay sheegeen booliiska Merseyside

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply